Lyssna

Waxbarasho, wax is-dhaafsi iyo horuumar – loogu tala galay dhammaan kuwa horay u socodka doonaya

Guddiga Jaamacadaha- iyo machadyada sar-sare waa hey’ad leh mas’uuliyad ballaaran oo ku aaddan xagga waxbarashada. Waxaa nagala helaa Stockholm iyo Visby.

Hawlaheenna waxaa ka mid ah:

  • Isku duwidda isu qaadashada jaamacadaha iyo machadyada sar-sare.
  • Soo bandhigidda fursado ku aaddan wax is-dhaafsiga caalamiga ah, horuumarinta aqoonta iyo xirfadda iyo tababar shaqo oo dibadda ah.
  • Taageero iyo macluumaad siinta dhammaan dadka doonaya in ay horay jaamacad iyo machad sare u sii dhigtaan.
  • Maamulidda iyo horuumarinta IT-ga oo ay jaamacadaha iyo machadyada sar-sare noo xil saareen.
  • Qiimeynta waxbarashooyinka dibadda si dadka haysta shahaaddooyinka dibaddu ay Swiidhan shaqo ama waxbarasho sare uga raadsan karaan.
  • Ka shaqeynta jaamacad isu qaadasho la ballaariyay iyo ka hor tegidda takooridda xagga jaamacadaha.
  • Ka mas’uul noqoshada imtixaanka gelitaanka jaamacadaha.

Isu qaadasho waxbarasho jaamacadeed

Annaga ayaa Swiidhan gudeheeda maamulna isu qaadashada waxbarashooyinka jaamacadaha badankooda. Dalbashada jaamacadda waxaad si fudud ugu sameyneysaa bareheenna intarneetka ee Antagning.se iyo Universityadmissions.se. Adigaaga raadinaya waxbarashooyinka waxaannu sidoo kale ku siineynaa macluumaad iyo taageero.

Waxaannu xitaa soo saareynaa xeerar ku aaddan gelitaanka waxbarashada sare.

Soo saaridda tira koob iyo falaanqeyno ku aaddan isu qaadashadana waa hawl kale oo aannu leennahay.

Imtixaanka gelitaanka jaamacadaha

Annaga ayaa maamuleyna imtixaanka gelitaanka jaamacadaha ee sannad walba ay sameeyaan 150 000 oo qof. Annaga ayaa sidoo kale mas’uul ka ah imtixaannada dibadda, ee aad ku sameyn kartid qaar waddammada ka mid ah, siiba Yurub gudeheeda. Waxaannu maamuleynaa dalbashada imtixaanka, waxaannuna go’aan ka gaareynaa natiijada.

Macluumaad ku aaddan waxbarashada sare

In leysku wargeliyo, leyskuna himmad geliyo waxbarasho jaamacadeed, si adigaaga doonaya in aad codsatid jaamacad aad u sameysid doorasho si fiican looga fikiray, waa hawl kale oo muhiim ah oo aannu leennahay. Barta intarneetka ee Studera.nu waa isha warbixinta ee ugu horreysa ee loogu tala galay adigaaga ardayga noqonaya.

Waxaannu xitaa wada shaqeyn la leennahay hagayaal xagga waxbarashada iyo xirfadaha ah, oo halkan Uhr.se ka heli kara macluumaad la jaan gooyay.

Kala duduwanaansho kororta, xuquuq isku mid ah iyo jaamacad dad u qoris la ballaariyay

In la taageero shaqada jaamacadaha ee ku aaddan kordhinta kala duduwanaashada iyo in aan cidna la takoorin, waa hawl kale oo aannu leennahay. Taas waxaannu gaar ahaan ku sameyneynaa iyadoo wax lala soconayo lana falaanqeynayo, laakiin xitaa iyadoo la abaabulayo shirar iyo waxbarashooyin.

Qiimeynta waxbarashooyinka dibadda

Si adigaaga ka yimid waddan kale laguugu fududeeya in aad Swiidhan ka raadsatid shaqo iyo waxbarasho, waxaannu qiimeyneynaa waxbarashooyinkaaga dugsiga sare, dugsiga sare ka bacdi iyo tan jaamacadeed, waxaannuna barbar dhigeynaa shahaaddooyinka swiidhishka ah. Qiimeynteennu waxay ku saleysnaaneysaa heshiisyo caalami ah.

Si shahaaddadaada dibadda laguugu qiimeeyo waxaad isticmaaleysaa adeeggeenna intarneetka, oo lagu helo ingiriis iyo swiidhish.

Waxaannu xitaa Swiidhan gudeheeda warbixin uga bixineynaa waxbarashada dibadda, waxbarashada swiidhanna caalami ahaan.

Wax dheeraad ah oo ku aaddan waxbarashada dibadda ka akhriso barteenna intarneetka, ee ah ingiriiska iyo swiidhishka.

Iskaashi caalami ah iyo wax is-dhaafsi

Waxaannu ka shaqeyneynaa in aannu kor u qaadno tayada waxbarashada swiidhishka iyadoo la abuurayo duruufo looga qeyb qaato wax is-dhaafsiga iyo is-kaashiyada caalamiga ah. Iyadoo barnaamijyadeenna la marayo ayey tusaale ahaan dugsiyada, jaamacadaha iyo machadyada sar-sare, waxbarashooyinka xirfadaha iyo waxbarashooyinka dadka waaweyn, heli karaan kaalmo ku aaddan mashruuc waddamo kale iskaashi ah. Macallimiin, arday jaamacadeed iyo arday dugsi ayaa tusaale ahaan ah kooxaha ka qeyb qaadan kara wax is-dhaafsiga.

Waxaannu xitaa bixineynaa fursad ku aaddan shaqaale is-dhaafsi loogu tala galay shaqaalaha dowladda si ay uga shaqeeyaan, tababar shaqana ugu qaataan hey’adaha Midowga Yurub.

Waxaannu sidoo kale warbixin ka bixineynaa duruufaha ku aaddan in laga shaqeeya xirfadaha la nidaamiyay ee Midowga Yurub.

Fursadaha ku aaddan wax is-dhaafsiga caalamiga ah ka akhriso barteenna intarneetka Utbyten.se.

Xagga adigaaga ardayga ah ama noqonaya arday waxaa Studera.nu kuugu jira macluumaad ku aaddan fursado waxbarasho iyo tababarro shaqo oo dibadda ah.

Nidaam maamulid iyo nidaam taageero

Waxaannu maamuleynaa, hormarineynaa, mas’uulna ka nahay socodsiinta wax badan oo ka mid ah nidaamka IT-ga ee la xiriira maamulka ee lagu isticmaalo qeybaha waxbarashada. Kan ugu weyn waa nidaamka qaadashada waddaniga ah (NyA) oo sannad walba maareeya in badan 800 000 oo codsi oo ku aaddan waxbarasho sare.

Kooxaha loo dan leeyahay iyo daneeyayaasha

Daneeyayaasheenna iyo kooxaha loo dan leeyahay waxaa laga carrabbaabi karaa:

  • Jaamacadaha Swiidhishka iyo machadyada sar-sare
  • Dad Swiidhan gudeheeda ka raadinaya macluumaad ku aaddan waxbarashada sare ama doonaya in ay waxbarasho jaamacadeed Swiidhan gudeheeda ka dalbadaan.
  • Dad leh waxbarasho dibadda ah oo doonaya in Swiidhan gudeheeda loogu qiimeeyo.
  • Dad daneynaya in ay ka shaqeeyaan hey’adaha Midowga Yurub.
  • Dad doonaya in ay galaan imtixaanka gelitaanka jaamacadaha.
  • Hagayaal xagga waxbarashada- iyo xirfadaha ah oo jooga dugsiyada iyo jaamacadaha.
  • Hey’adaha dowladda ee waxbarashada iyo hey’adaha kale ee dowladda ee ay khuseyso Swiidhan gudeheeda iyo dibadda (tusaale ahaan xagga Midowga Yurub).
  • Dugsiyada xannaanada, dugsiyada, machadyada sar-sare iyo jaamacadaha, xirfadaha- iyo waxbarashooyinka dadka waaweyn iyo laacibiinta kale ee qeybaha waxbarashada ee doonaya in ay ka qeyb qaataan iskaashi caalami ah iyo wax is-dhaafsi nuucyo kala duwan leh.

Cidda hawsha loo qabanayo

Waxaannu nahay hey’ad dowladeed oo xukuumadda hoos tagta, taasoo ka dhigan in ay xukuumaddu tahay cidda ugu muhiimsan ee aannu wax u qabaneyno. Hawsha xukuumaddu noo dirta waxay ku jirtaa tilmaamaha hey’adda, ee warqadda nidaaminta ee sanadlaha ah iyo go’aammada kale ee xukuumadda.

Waxaan xitaa hawl u qabannaa jaamacadaha Swiidhan iyo machadyada sar-sare iyo Guddiga Midowga Yurub, Sida iyo Guddiga wasiirrada ee waddamada Waqooyiga Yurub.

Macluumaadka xiriirka

Taleefan

Taleefan: +46 (0)10-470 03 00

Waqtiyada furnaanta xiriirinta
Isniin–khamiis saacadda 8:30–16:30, jimco saacadda 8:30–16:00.
Xiriirintu waxay qadada xirantahay saacadda 12:00–13:00.

Fax: +46 (0)10-470 03 01

E-mail

E-mailka shaqaalaha Guddiga jaamacadaha- iyo machadyada sar-sare: magaca hore.magaca dambefornamn.efternamn(calaamadda @)uhr.se

E-mailka hey’adda: registrator(calaamadda @)uhr.se

Cinwaan

Universitets- och högskolerådet
Box 45093
104 30 Stockholm
Cinwaanka booqashada: Wallingatan 2, Stockholm 

Xafiiskeenna Visby:
Universitets- och högskolerådet
Box 1413
621 25 Visby
Cinwaanka booqashada: Artillerigatan 33 A, Visby

Cinwaanka qaan-sheegadka

Universitets- och högskolerådet
Aqoonsiga leysku garto: XXXX*
FE 92
838 73 FRÖSÖN

* Aqoonsiga lagu garto qofka markaas lagala xiriirayo UHR

Nambarka aqoonsiga ee ururka: 202100-6487

Senast uppdaterad: 15 mars 2024